Dowladda Maraykanka ayaa maanta duqeyn ku dishay suldaankii Beesha jareerweyne ee Gobalada jubooyinka suldaan Cabbaas Maxamed Xaajji.
Diyaaradaha duuliya la’aanta ee Marayakanka ayaa Suldaanka madaafiic la dhacay xilli uu marayay duleedka deegaanka Kabsuuma ee wilaayada Jubooyinka.
Suldaan Cabbaas waxa ka shaqey jiray xallinta arimaha beesha dhexdeeda ah iyo weliba kuwa u dhaxeeya beesha iyo qabaa ilada kale ee ay ood wadaagta ama deriska yihiin.
Mudadii uu xilka hayay waxaa lagu xasuustaa in uu juhdi badan ku bixi jiray sidii dadka deriska ah nabad ugu wada noolaa lahaayeen beeshuna horumar u gaari lahayd.
Sidoo kale suldaanka ayaa ka soo muuqa jiray goobaha la gaarsiinayo gurmadka xiliyada abaaraha ama fatahaaduhu jiraan asigoo bulshada ku boorri jiray in ay walaalahooda dhibaateysan u gurmadaan.
Maraykanka ayaa si joogta ah duqeeya dadka shacabaka ah ee ku dhaqan wilaayaatka islaamiga ah isla markaana waxa uu durbada sheegaa in duqeynta uu laayay madax ka tirsan Xarakada Mujaahidinta Alshabaab.
Kafaradu ahdaaf iyo malahan edab dhamaan toode
Ari weer galay uga dhignayd ehelu tawxiide
Akhlaaq male dagaal kooduyoo waa ardaal falane
Ilaahay hanaaree kufrigu muu isxaan faloye
Inaan aarsanaa nala gud boon eyda gaal kaahe
Suldaan kana janaan Eebahay uga baryey naaye
Ahbalada kafaradaa iyo islaam oogan dirir toode
Oday iyo suldaanau dilaan dirir idlayn mayso
Araxdana dan bay uga jabi oy ooyi inshalaah