HomeAll newsMadaafiic Culus Oo lagu garaacay Saldhiga Baar Sanguuni ee Jubbooyinka.

Madaafiic Culus Oo lagu garaacay Saldhiga Baar Sanguuni ee Jubbooyinka.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay duqeymo xoogan ku garaaceen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni.

Duqeynta oo ahayd mid culus islamarkaana socotay in muda ah ayaa lagu soo waramayaa in ugu yaraan 20 baalooto oo ka dhacda qoriga Hoobiyaha lagu garaacay saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo gaaray ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ka dhashey duqeyntan ay fuliyeen guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada maamulka Jubbaland ee jooga Baar Sanguuni ayaa ku dhib qaba joogitaanka halkaas, iyagoona si joogta ah ula kulma weeraro uga yimaada dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Duqeymo hore oo saldhigan lagu garaacay waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar cadaan ah oo katirsan ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular