HomeAll newsMaamulka Alfurqaan: "Farriinteenu Waxay Tahay Inaan Ka Wada Faa'iideysano Bishan Kheyrka Badan"

Maamulka Alfurqaan: “Farriinteenu Waxay Tahay Inaan Ka Wada Faa’iideysano Bishan Kheyrka Badan”

Maamulka iyo howlwadeennada Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay guud ahaan Umadda islaamka, gaar ahaan dhageystayaasheeda iyo aqristayaasha mareegteeda ugu hambalyeynayaan bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Farriinteenu Waxay Tahay Inaan Ka Wada Faa’iideysano Bishan Kheyrka Badan Allaahna waxaan ka baryeynaa in uu dhibka ka qaado Muslimiinta meel walboo ay joogaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Al-furqaan Media.

Idaacaddu waxay ballan qaaday inta lagu guda jiro iney dhageystayaasheeda usoo gudbin doonto duruus iyo barnaamijyo muhim ah islamarkaana xambaarsan faa’iidooyin badan.

Barnaamijyada ay ballan qaaday waxaa kamid ah barnaamij loogu magac daray “Xuruubu-saliibiyah” kaasoo looga sheekeynayo taariikhda duullaanadii ay faranjdu ku qaaday halboylayaasha caalamka islaamka kuna qabsatay Beytulmaqdas sannadkii 492dii Hijriyada oo waafaqsan 1099kii Miilaadiyada iyo falcelintii ay sameeyeen Muslimiinta.

 

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Talisyadan Ibliiseen xaqiyo diin tix galinay nin
    Niman kaa kufrigu uu tacbee nagu tabcay naayo
    Taxiidku waa uu kaburay taliska shaydaane
    Soomaalaay tashada oo kocoo tuura kabad quura
    Tareesada kuguba waa Ibliis abid takooraayee
    Tawxiidka daaafaca kufrugu waa tagaha yaaye
    Talis kaa masaajiida xiray ee tukada diiday
    Taf wareenka niman kaa dhigee wada taraamiina
    Tashigoodu waa inan sharciga tuuro dhaqan kiise
    Inta ayan tahluukiyo nabadin tiihan hari doonin
    Taakuleeya wiilashaa jihaad tuutahaw qaatay
    Tareen kii janada noo wadaa taagan oon furane
    Inta aanu tagin ruux walbow xaqa an taageero

  2. Wad mahdsnthn Wllha Alfurqaan Waana Soo dhawynyna barnaamijka Cusub
    Ee Aad Noogu Talagasheen
    Allah ha Idin Cizeeyo
    Waxana Idin Lenahy Ramadan Mubaarak

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular