HomeAll newsKudhawaad 2000 oo ruux Oo Maalin Qura ah Carona ku dilay Maraykanka.

Kudhawaad 2000 oo ruux Oo Maalin Qura ah Carona ku dilay Maraykanka.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka Maraykanka ah ee uu soo ridanayo cudurka Coronavirus islamarkaana uu dilayo, iyadoona dowladdu ay u taag heli la’dahay maareynta cudurkan.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay, waxaa dalka Maraykanka Coronavirus uu ku dilay dad gaaraya kudhawaad 2000 ruux, iyadoona uu soo ritay kumanaan kale, waxaana magaalada Newyork ay tahay tan ugu badan ee ay dhibaatadu ka taagantahay.

Tirakoob la baahiyay waxaa lagu sheegay in afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay uu Corona Maraykanka ku dilay dad gaaraya 1939 ruux, taas oo ka dhigeysa tirada dhimashada guud ee Maraykanka 12,722.

Wuxuu sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay soo ritay dad tiradoodu gaareyso 29,609, taasoo ka dhigan in tirada guud ee dadka la xanuunsanaya Coronavirus ee gudaha Maraykanka ay tahay 396,233 oo ruux.

Donald Trump madaxweynaha Maraykanka oo aan ku dhicin ka hortaga cudurkan uu Allaah wato, islaweynidiisana isku bedeshey taag dari ayaa weerar afka ah ku qaaday hay’adda caafimaadka Aduunka, isagoona ku goodiyay inuu ka jaran doono taageerada uu siin jiray hay’adaas.

Trump wuxuu ku eedayay WHO iney ka gaabisay maareynta cudurka COVID19, islamarkaana ay si aaney wanaagsan ula tacaamuleyso la tacaalida cudurka Coronavirus.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular