Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah waxay xaalad deg deg ah ugu soo rogtay guud ahaan wadankaas, sababo ku aadan cudurka Coronavirus ee kusii faafaya caalamka.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa lagu sheegay in dalka Itoobiya la geliyay xaalad deg deg ah, islamarkaana loo cuskaday dastuurka u degsan dalkaas.
“iyadoo qeyb ka ah qorshaha lagu xadaynayo cudurka Covid19 waxaa dalka lageliyay xaalad degdeg ah, waxaa laxiray iskuullada iyo jamaacadaha shaqaalaha aan aasaasiga aheyne waxaa lafarayaa in ay guryahooda joogaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abey Axmed.
Coronavirus oo kusii fidaya caalamka ayay dowladda Itoobiya sheegtay in dalkeeda uu soo gaaray, islamarkaana la helay kiisas gaaraya 52 kiis, kuwaas oo 2 kamid ah ay u dhinteen cudurka Covid19.
Xilli Corona laga helay Itoobiya ayaa hadana waxaa dadka ka imaanaya wadankaas ay si sharci darro ah kusoo galaan Soomaaliya, iyadoona la sheegayo in diyaaradda Ithiopian Airline ay weli kasoo degato garoomo ku yaala dalka Soomaaliya.