Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan waxay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Wajeer ee dhulka NFD, halkaas oo ay ku beegsadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Kenya.
Weerarka oo ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, islamarkaana dhacay maalintii shalay ayaa geystay khasaare nafeed oo gaaray ciidamada Kenya, halka sidoo kale lagu soo furtay hub.
Ugu yaran 5 askari oo katirsan ciidamada Kenya ayay ciidamada Mujaahidiinta ku dileen howlgalkan gaarka ah ee ka dhacay Wajeer, waxayna soo qaateen shantii qori ee ay wateen ciidamada weerarka lagu dilay.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu dilay askarta Kenyaatiga ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si firfircoon uga howlgala dhulka Soomaaliyeed ee NFD iyo Saaxilka, waxayna qaadaan howlgallo lagu beegsado askarta Kenyaatiga ah iyo muwaadiniinta Nasaarada ah.