Warbaahinta Islaamiga ee Al-furqaan oo bil walba oo Ramadaan ah baahisay barnaamij Taariikheed ayaa waxay halkan idinkugu soo baahineysaa barnaami cusub oo taxane ah kuna saabsan taariikhda “Xuruubusaliibiyah”.
Barnaamijka oo inoo socon doona inta lagu guda jiro soonka ayaa wuxuu ka sheekeynayaa duullaanadii ay faranjidu ku qaaday halbowlayaasha caalamka islaamka kuna qabsatay Beytulmaqdas sannadkii 492dii Hijriyada oo waafaqsan 1099kii Miilaadiyada iyo falcelintii ay sameeyeen Muslimiinta.
Nin walbaba tallaabadi
Halku tagay ha geysee
Qofba dunida wuxu taro
Wax ma qariyo taxanee
Taariikhaha ka daawada