
maalinnimadii shalay, diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn wuxuushnimo ah oo ay ka geysteen magaalada Jilib ee Jubbada dhexe waxay ku dileen ugu yaraan 3 ruux oo dhamaantooda shacab ah midina ay haweeney tahay.
Goosaar Shaalle maadey oo kamid ahaa dadka degan tuulada Kalaguur oo u dhow Jilib, magaaladana shalay u yimid inuu boos ka gato ayaa kamid ah dadka uu Maraykanku ku dilay duqeynta diyaaradeed.
Wuxuu kaloo Maraykanku dilay Max’med Cabdi Cusmaan Kheyroow oo ahaa nin dullaal ah islamarkaana kala iibiya dhulalka, sidoo kalena kireeya guryaha, aadna looga yaqaano magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Haweeney da’ ah oo 70o sano jir ah, Jilibna u timid iney iska iibiso khudaar uga soo go’day beerteeda ayaa kamid ah dadka ku dhintay Jilib, waxaana haweeneydan la sheegay iney u dhimatay naxdinta ay ka qaaday jugta madaafiicda cul culus ee diyaaradahu rideen.
Ehellada dadka uu Maraykanka dilay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkooda ay shacab ahaayeen, kuna lug lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab, waxayna sheegeen in Maraykanka uu dadkooda u dilay cadowtooyo uu u qabo Musliminta awgeed.
Bishiii Ferbaarayo ee sanadkan ayay ahayd markii Maraykanku uu Jilib iyo duleedkeeda ku dilay ugu yaraan labo ruux oo midi ahaa maamulihii shirkadda Hormuud ee Jilib, halka qofka kalena uu ahaa haweeney 18 jir ah oo madaxa looga jiray.
Mar weliba oo uu Maraykanku dad shacab ah ku laayo duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya wuxuu ku tilmaamaa iney yihiin dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhagayso Ehellada uu dadkooda laayay Maraykanka oo Warbaahinta la hadlay