
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Shisheeyaha ee heysta deegaanka Buula Mareer oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana ciidamada Mujaahidiinta ay ku kediyeen askarta Shisheeyaha Uganda ayaa socday in muda ah.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada Shisheeyaha, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay si nabad geliyo ah dib uga soo gurteen halka lagu dagaallamay.
Tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada Shisheeyaha nooma suurtagelin inaan helno.