HomeAll newsCiidamada Itoobiya oo Qaraxyo Waaweyn lagula Beegsaday gobalka Gedo.

Ciidamada Itoobiya oo Qaraxyo Waaweyn lagula Beegsaday gobalka Gedo.

Weerarkii afaraad ayaa maanta lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo maraya deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyagoo ku socda waddo aadda dhanka magaalada Baydhabo inkastoo aynaan ogeyn in magaaladaas ku wajahan yihiin iyo haddii meela kale u qorsheysantahay.

Sadax qarax oo waaweyn ayaa maanta Askarta itoobiya oo lugeynaysa lagula beegsaday deegaan magaaalada Luuq labaataemeeyo keelo mitir ka xiga dhanka Gobalka Baay.

Qaraxyada ayaa haleelay askarta oo lugeynaya waxaana halkaa lagu gaarsiiyay khaasare inkastoo anaan tiro rasmi ah oo dhimashada iyo dhaawac ah helin.

Waxaa la arkayay holaca iyo uurada qaraxyada oo cirka isku shareeray waxaana joogsaday socodkii ciidamadu ay ku jireen.

maalintii shalay oo Isniin ahayd ayay ahayd markii ciidamadaan deegaan aan midkaan ka fogeyn weerar fool ka fool ah oo qiyaastii saacad socday ku qabsaday.

Qaarka midka ah malateriga Alshabaab ayaa askartaan dhabbaha u u galay waxayna taasi keentay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah la gaarsiiyo.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Itoobiya ayaa halkaa dhowr mar ku degay waxayna qaadeen meydadkii iyo dhaawacyadii.

Axaddii ayaa deegaan kale oo halkaa aan ka fogeyn isla ciidankaan lagula beegsaday laba qarax oo waaweyn kuwaa oo la aamisan yahay in ay khasaare xoog leh u geysteen.

Mid mid ah waxa uu haleelay saraakiil miino baarayaal ah oo ciidamada hor socday, kan kalena waxa u qabsaday gaari ciidamo saarnaayeen

Maalintii ka horeysay oo Sabti ahayd ciidamadaan int u dhaxeysa Luuq iyo Doolow ayaa sidaasoo kale laba qarax lagula beegsaday.

Askarta Itoobiya iyo kuwa shisheeyaha kale ee dalka duulaanka ku jooga ayaa mar hore ka quustay in ay gaadiidka toos ugu safraan waxayna wadooyinka maraan iyaga oo lugeynaya gaaadiidkuna tartiib u daba socdo.

Tani waxay muujineysaa sida ay u niyad jabeen isla markaana ay og yihiin in wadooyinka ciidan Al-shabaab aka tirsanu ugu diyaarsan yihiin qaraxyana ku duugan yihiin.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Maxaa gaal shidiyo kibir iyo shabaab sheeko kalahaysta
    Shabaab iyo shisheeyaha maxaa sheeko kalahaysta
    Shaqa doon iyo maxaa shabaab sheeko kalahaysta
    Odayadi shisheeyuhu xushee shilinka goobay
    Iyo wiilal shiish dhabu yaqaan maxaa sheeko kalahaysta
    Sharciyada qaramada madaw iyo shabaab sheeko kalahaysta
    Shaydaanku niman uu hodiyo shaan sheeko kalahaysta
    Shareecada kuwaa diidaniyo shabab
    Sheeko kalahaysta
    Dayuus baro shaqaalo u ah kufriyo shabaab sheeko kalahaysta
    Shanta nimank noo qaybshay iyo shabaab sheeko kalahaysta
    Shilin doonka xabashida ahiyo shabaab sheeko kalahaysta
    Maxaa sheekh xassaan iyo sandaqo sheeko kalahaysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular