Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda federaalka ee magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka waxa uu ahaa mid culus,islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay duulaanka ka qaadeen dhowr jiho.
Goobjoogayaal ku sugan Jannaale waxay warbaahinta u xaqiijiyeen iney maqlayeen Takbiirta ciidamada Mujaahidiinta iyo qeyla dhaanta ciidamada dowladda, mana jirin wax gurmad ah oo ay ka heleen Shisheeyaha ay saaxiibada yihiin ee jooga Jannaale.
Ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay Jannaale, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas kasii bato.
Tan iyo markii Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka oo is kaashanaya ay soo galeen Jannaale waxay si joogta ah ula kulmayaan weeraro culus oo uga imaanaya milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana dhanka Janaale ka jirta xaalad adag oo heysta dadka farakutiriska ah ee ku haray.