Qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamo isuga jiray cadaan iyo kuwa dowladda federaalka, kuwaas oo marayay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan, waxaana uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada dowladda federaalka.
Ugu yaraan lix askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxaas, waxaana macquul ah in khasaaruhu intaas ka badanyahay.
Dhanka kale askari katirsan ciidamada Bsta dowladda kuwooda dharka cad ayaa caawa waxaa lagu dilay xaafadda Kaawa Godey ee degmada Dharkenley.
Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga tagay, waxaana goordambe meydka askariga qaaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.