HomeAll newsMuslimiina Hindiya; Dhiig Qubanaya Oo aan ka Dhiidhi lahayn!

Muslimiina Hindiya; Dhiig Qubanaya Oo aan ka Dhiidhi lahayn!

Booliiska Hindiya waxay ka qeyb qaadanayaan dilalka bareerka ah ee loo geysnayo Muslimiinta.

Magaalada New Delhi oo ah caasimadda Hindiya waxaa ka taagnaa gumaad wuxuushnimo ah oo lagu hayo muslimiinta, kuwaas oo ay geysanayaan ciidamada Booliiska Hindiya iyo dadyow Hinduus ah oo isgabarsanaya.

Inkastoo xadgudubyadu ay yihiin kuwa soo billowday tan iyo markii uu dhawaan dalkaas tagay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uuna weerar afka ah ku qaaday muslimiinta, ayaa hadana waxaa aad u yar xogaha laga helayo, maadaama warbaahintu ay iska indha tirayaan.

Muuqaallo la helay saacadihii lasoo dhaafay ayaa banaanka soo dhigaya qeyb kamid ah tacadiyaadka arxan darada ah ee New Delhi loogu geysanayo muslimiinta, kuwaas oo loo awood sheegtay.

Waxaa la arkayaa ciidamo Booliis ah iyo dadweyne Hinduus ah oo dhegxaan ku hubeysan, kuwaas oo dilal bareer ah oo loo adeegsanayo dhagxaan iyo budad u geysanaya dad muslimiin ah oo aan hubeysneyn.

Muuqaallada la helay waxaa ugu arxan daran wiil dhalinyaro muslim ah Hindi ah oo ay dilayaan afar askari oo Booliis ah, kuwaas oo ku garaacaya budad waaweyn iyo dhegxaan ay wateen, waxaana la arkayaa wiilka dhalinyarada ah oo sidii uu u qeylinayay juuqda gabay, dhulkana ku dhacay.

Daqiiqado kadib waa uu geeriyooday, waxaana la sheegayaa inuu ahaa wiil labataan sano jir ah, oo ay maagen ciidamada Booliiska iyo dadka Hinduuska ha.

Dadka Hinduuska ee nacayb islaamka iyo muslimiinta ayaa sheegaya iney aad ugu faraxsanyihiin taageerada ay ka heleen Booliiska, ayna waajib tahay in dalka Hindiya laga nadiifiyo dadka muslimiinta ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Marka laga soot ago tobanaanka ruux ee muslimiinta ah ee ay dileen ciidamada Booliiska Hindiya iyo dadka hinduuska ah, waxaa jira masaajida dhowr ah, goobo ganacsi iyo xaafado ay dadka muslimiinta ah leeyihiin kuwaas oo dab la qabad siiyay.

Waxaa xabsiyda loo dhaadhiciyay A’imada Masaajida, Mu’adiniinta iyo dadka hormuudka u ah bulshada muslimiinta, si aaney Muslimiintu isaga caabin duulaannada bareerka ah ee ay kusoo qaadayaan Hinduuska.

Hadda, dadka Muslimiinta ah kama soo bixi karaan guryahooda, xitaa dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ma aadi karaan xarumaha caafimaadka ee dadka lagu dabiibo, sababo ku aadan cabsi ay ka qabaan iney weeraro kala kulmaan ciidamada Booliiska iyo Hinduuska.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in warbaahinta iyo hay’adaha sheegta xuquuqda Aadanaha ay iska indha tirayaan tacadiyaadka iyo gabood fallada ay la kulmayaan muslimiinta, waxaana xitaa jirin dowlado ku baaqay in la joojiyo dhibaatadaas lagu hayo Muslimiinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular