HomeAll newsKamiin khasaare dhaliyay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Kamiin khasaare dhaliyay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay ku dheceen kamiin culus oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka kamiinka ah ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Warmaxan, waxaana loo dhigay askar katirsan kuwa dowladda federaalka, kuwaas oo xilligaas socdaal ku jiray.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay ku guuleysteen iney dilaan askari katirsanaa ciidamada kamiinka loo dhigay, kana furtaan qori iyo buush uu ku hubeysnaa.

Askartii ka badbaaday weerarka ayaa iyagoo dheg la qabta lahayn waxay ka carareen goobta dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular