HomeAll newsKacdoon wadayaasha Suuriya Oo la wareegay magaalooyin muhiim ah.

Kacdoon wadayaasha Suuriya Oo la wareegay magaalooyin muhiim ah.

Todobaadyo kahor ayay ahayd markii ciidamada Nuseyriyada oo taageero ka helaya Rawaafida iyo Ruushka ay duulaanno ballaaran kusoo qaadeen deegaannada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ka arimiyaan Jamaacaadka Jihaadiga iyo kooxaha kacdoon wadayaasha.

Si fudud oo dhaqsi leh ayay ciidamada Nuseyriyadu kula wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ay ku jirto Macarratu Nucmaan iyo Saraaqib, iyo tobanaan tuulo oo dhaca baadiyaha Idlib, waxaana taasi ay dhalisay iney guryahooda ka barakacaan boqollaal kun oo ruux, kuwaas oo u baxsaday xuduud beenaatka Turkiga iyo Suuriya.

Balse todobaadkii u dambeeyey Jamaacaadka Jihaadiga iyo kacdoon wadayaasha oo is kaashanaya ayaa qaaday duulaanno weerar celin ah, kuwaas oo ay ku doonayaan iney kusoo ceshtaan gacan ku heynta magaalooyinkii Nuseyriyadu la wareegtay.

Dagaallo culus, oo ay qoli weliba awoodeeda kama dabeyska ah adeegsatay, aadna loogu riiqmey ayaa weli ka soconaya wuqooyiga Suuriya, waxaana muuqaneysa iney ballaartaan goobaha ay dagaalladu ka soconayaan.

Deegaano muhiim ah iyo magaalooyin istiraatiiji ah oo ay horey ula wareegeen Nidaamka ayaa hadda kusoo laabtay gacanta kacdoon wadayaasha, waxaana kamid ah Saraaqi, An-neyrab iyo kuwa kale.

Inkastoo dadku maalmihii hore ee billowga xamlada Nuseyriyadu ay walaac badan muujinayeen, hadana waxaa muuqata iney rajadoodu soo hagaageyso, maadaama ay arkayaan Nuseyriyada iyo Rawaafida oo dib u gurasho sameynaya.

Dowladda Turkiga oo taageereysa kooxaha mucaaradka ayaa hadda ka qeyb galeysa dagaallada socda, waxanaa diyaaradaheeda ay duqeeyeen saldhigyo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nuseyriyada.

Turkiga ayaa la sheegayaa iney ka carootay duqeymo uu Nidaamku ku garaacay saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo Turki ah, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen kudhawaad 100 askari oo Turki ah.

Wuxu Turkiga isagoo cadaadinaya dowladaha reer Yurub, furay xuduuda uu la wadaago Giriiga, si quxuutiga tirada badan ee jooga Turkiga ugu sii gudbaan Yurub, balse ciidamada ilaalada xuduudaha ee Giriiga ayaa hor taagan iney gudbaan dadkaas oo tiradooda lagu sheegay 100 kun oo ruux.

Midowga Yurub ayaa hadda wada fadhiyo iyo kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo looga arinsanayo mushkiladda quxootiga ee soo korortay, waxayna dowladahaas ugu baaqeen Ruushak inuu joojiyo duulaanka uu ku yahay gobolka Idlib.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular