Qarax culus ayaa lala eegtay gaari uu watay gudoomiyaha maxkamadda gobolka Sool ee maamulka Soomaali-land, kaas oo lagu magacaabo Xasan Sheekh Maxmuud.
Qaraxan oo lala eegtay gudoomiyaha xilli uu ku socdaalayay agagaarka hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood ayaa dhaliyay geeridiisa, iyo inuu burbur xoog leh gaaro gaariga uu watay nooca raaxada ahaa.
Gudoomiyaha maxkamadda magaalada Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay geerida gudoomiyaha maxkamadda gobolka Sool.
Majirto cid sheegatay masuuliyadda lagu khaarijiyay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ee maamulka Soomaali-land oo qarax lala eegtay.