HomeAll newsDowladda Federaalka oo Amrtay in la xiro Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo Amrtay in la xiro Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Xassan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in laga billaabo maanta oo Arbaco ah la xirayo goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho, sababo ku aadan cudurka Corona virus.

Kheyre ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka Corona virus oo ay dowladdu shaacisay inuu soo gaaray wadanka Soomaaliya, kadib markii laga helay hal qof.

Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka wuxuu kaloo soo jeediyay in la yareeyo isku imaatinnada iyo shirarka, sidoo kalena la hakiyo safarrada lagu aadayo dalka dibadiisa.

Corona virus oo asalkiisa kasoo billowday Shiinaha ayaa si dardar leh wuxuu ugu faafay caalamka, waxaana hadda Talyaaniga uu yahay dalka labaad ee ugu dhimashada badan marka laga soo tago Chinaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular