Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsaday askarta dowladda federaalka.
Ex-Contorool Afgooye ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay ku dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, waxayna ka furteen moobeylo iyo lacago ay wateen.
Sidoo kale qaraxyo saddex gaaraya ayaa ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Hodan ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo dhaliyay waxyeello kala duwan.
Dhanka kale, weeraro toos ah ayay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo askarta dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, mid kamid ah dagaalladana waxaa lagu dhaawacay sarkaal lagu magacaabo Xasan Bujac.
Halkan ka dhagayso Warar la xiriira howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye