Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xiriir ah ka fuliyay gobolka NFD ee ay xooga ku heysato dowladda Kenya.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weeraray tuulada Dabaasiti ee hoostaga Ceel-waaq Kenya, halkaasna waxay ku burburiyeen xarunta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya.
Waxay sidoo kale Mujaahidiintu weerar ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Goorisa oo hoostaga magaalada Gaarisa ee dhulka NFD.
Weerarkan waxay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku burburiyeen saldhig ciidan iyo gaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Booliiska Kenyaatiga.
NFD iyo xeebaha Laamu ayaa si joogta ah u marti gelinaya weeraro abaabulan oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waana dhulal ay leeyihiin Muslimiinta oo ay gumeysato dowladda Kenya.