HomeAll newsTirada Shiinaha ugu dhintay Cudurka Corona ayaa gaartay 2345 ruux.

Tirada Shiinaha ugu dhintay Cudurka Corona ayaa gaartay 2345 ruux.

Waxaa Aad usii kordhaya dadka udhintay cudurka Karona iyo kuwa kula ildaran gudaha dalka shiinaha oo markii ugu horeysay uu ka bilowday curukaan kaasi oo haatana kusoo fidaya dalal dhowr ah oo ka tirsan qaaradaha Yurub.Aasiya iyo Bariga dhexe.

Maanta oo sabti ah Bayaan ay soo saartay dowladda shiinaha ayay ku shaacisay xog cusub oo ku saabsan faafitaanka Cudurka karona iyo dadka udhintay cudurkaasi.

Golaha Caafimaadka dowladda ayaa sheegay in dad gaaraya 109 ruux ay cudurka udhinteen kuwaasi oo tirada dadka cudurka udhintay ka dhigaya 2345

397 xaaladood oo cusub ayaa laga soo sheegey guud ahaan dalka, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigeysa ku dhawaad 76 kun oo ruux oo haatan la xanuunsan cudurka.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tirada dowladdu sheegtay inay udhinteen karoona ay ka badantahay kuwa cudurkaasi ugeeriyodoy ee aanan la diiwaan galin islamarkaana ku dhintay guryahooda iyagoo aanan la geynin isbitaalada.

Cudurka karoona oo ah Musiibo gacantooda ay ku doonteen dadk shiinaha ayaa la dagay dhaqaalihii dalkaasi waxaana muwaadiniinta shiinaha ay aduunka ka noqdeen kuwa loo faquuqo cudurkaasi.

Shiinaha ayaa dhibaato xoogan ku haya Muslimiinta oo loo diiday inay ku dhaqmaan diintooda islamarkaana ay muujiyaan shacaairta islaamka.

Dadka shiinaha oo isku aragti ka ahaa muslimiin nacaybka ayaa haatan is nacay oo kala xirrtay gobaladii , mana jirto wax isku damqasho ah iyagoo faquuqaya dadkooda la xanuunsan karona.

Dhanka kale cudurkaan oo cabsi xoogan ku abuuray wadmaada reer galbeedka ayaa kusii fiday wadamo dhowr ah.

Dhinaceeda, Kuuriyada Koofureed ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday inay diiwaan galiyeen 42 ruux oo laga helo fayraska korona kaas oo wadarta tirada cudurrada ee dalka ka dhigaysa 346 xaaladood.

Dalka Talyaanigana, waxay masuuliyiinta caafimaadka shalay oo Jimco ahayd shaaciyeen geerida Nin udhashay Talyaaniga oo uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘Corona virus’,

Wasiirka Caafimaadka ee Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay geerida Adriyaanno oo 78, sanno jir ahaa kaasi oo ku dhintay isbitaalka,

War-saxaafadeed ay soo saareen, mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay in shan dhakhaatiir ah iyo 10 qof oo kale uu ku dhacay cudurka karona.

Dowladda Talyaaniga ayaa degniin degdeg ah kasoo saartay xaalada ku saabsan cudurka.

Dhowr magaallo ayaa dadka lagu amray inay ku nagaadaan guryahooda iyadoo laga baqayo in cudurka uu ku dhex fido gudaha dalka.

Gudaha dalk Ukraine Wasiirka Caafimaadka wadankaasi oo haweyney ah ayaa waxay ku biirtay tiro muwaadiniinta wadankaasi udhashay oo 14 maalmood la karantiilayo kadib markii laga soo daadgureeyay Shiinaha.

Dalka Iiraan waxaa cudurkaan udhintay afar qof oo kamid ahaa 13 qof oo la xaqiijiyay inuu ku dhacay Cudurka.

Dalalka Deriska la ah Iiraan ayaa qaaday Talaabooyin ay kaga hortagayaan in cudurka loo gudbiyo dalkooda.

Dowladda shiicada ah ee Ciraaq ayaa shalay ka hortagtay Iiraaniyiin doonayay inay gudaha ugalaan Ciraaq.

Ilaa amar danbe waxaa la hakiyay dadka udhashay Iiraan ee doonaya inay galaan Ciraaq’ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda

Kuwait waxay joojisay duulimaadyadii aadi jiray Iran, waxayna Wasaaradda Caafimaadka kula talisay muwaadiniinta inaysan u safrin dalka Iiraan.

Dalka Turkiga, Wasiirka Caafimaadka Wadankaasi ayaa sheegay in uu khadka taleefanka kala hadlay dhiggiisa Iiran. Islamarkaana shaqaalahooda caafimaadka ay bilaabeen baaritaan caafimaad oo loogu talagay dadka safarka ah ee ka imanaya Iiran,

Dhiniciisa, Wasiirka Caafimaadka Lubnaan Xamad Xasan ayaa maanta ku dhawaaqay diiwaangelinta qofkii ugu horeeya ee laga helo fayraska Corona taasi oo ahayd haweyneyd 45 sanno jir ah oo udhalatay dalkaasi.

Jimcihii, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay laba xaaladood oo cusub oo cudurka ah, taas oo tirada guud ee kiisaska dalkaas ka dhigaysa 11 qof oo uu ku dhacay Karona.

Cudurka Corona ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday Shiinaha 12-kii bishii Diseembar ee sanadkii lasoo dhaafay waxaana uu cudurkaasi ku fiday wadamo dhowr ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular