HomeAll newsMaraykanka Oo Xayiraada ka qaaday Shirkadda Al-Barakaat.

Maraykanka Oo Xayiraada ka qaaday Shirkadda Al-Barakaat.

20 sano kadib, dowladda Maraykanka ayaa xayiraada ka qaaday shirkadda Al-Barakaat oo kamid ah shirkadaha ugu caansna Soomaaliya, taas oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sanado badan kadib waxay sheegtay iney wax kama jiraan ahaayeen eedihii loo soo jeediyay shirkadda Al-Barakaat, hadana cunaqabateynta laga qaaday hantida shirkadaas oo ku xayirneyd bankiyada Caalamka.

Maamulka Shirkadda Al-Barakaat ayaa si diiran usoo dhaweeyey xayiraada laga qaaday shirkadooda, waxayna u mahadceliyeen dadkii share-ka ku lahaa shirkadda ee mudadan fog ee dhibaatada heystay shirkadda lasoo qaatay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si diiran usoo dhaweeyey tallaabada xayiraada looga qaaday shirkadda Al-Barakaat, waxaana Muqdisho iyo meelo kamid ah caalamka ka dhacay xaflado lagu soo dhaweynayay arinkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular