War kasoo baxay maamulka Aala-Sucuud ee ka arrimiya dhulka barakada leh ee Xarameynka ayaa lagu sheegay in la joojiyay safarada ay dadka cumrada doonaya ku imaan jireen dhulkaas, kuwaas oo kasoo safraya qaar kamid ah wadamada Caalamka.
Maamulka Aala-Sucuud wuxuu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada looga hortagayo faafidda cudurka Carona Virus ee kasoo billowday wadanka Shiinaha.
Wadamada uu Aala-Sucuud mamnuucay in dadkooda ay Cumro u yimaadaan Xaramka waxaa kamid ah Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in dalkeena aanu soo gaarin viruska Carona, Allena waan ka magan galnee inuu soo gaaro.
Taas bedelkeeda wadamo dhowr ah oo uu cudurku gaaray gaar ahaan Maraykanka iyo kuwa kale ayaan ku jirin dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay iney yimaadaan Xarameynka.