Jubooyinka oo qeybo kamid ah gacantooda ay ku jirto dowladda kenya ayaa waxaa ka jira howlo lagu jarayo dhirta inkastoo xarakada shabaabul mujaahidiin ay u istaagtay inay ka hortagto xaalufkaasi.
Dad umuuqda inay ka macaayaan jarista geedaha ayaa magaalada ka jaray geedo waaweyn oo qaarkood ay talaalanyihiin in ka badan 100 sanno.
Maamulka Kismaayo ee jubaland oo aanan looga fadhin inay is hor istaagaan jarista dhirta ayaa xaqiijiyay geedaha laga jarayo magaaladaasi.
Duqa Kismaayo oo saxaafada la hadlay isagoo hortaagan geed weyn oo la jaray ayaa sheegay in howshaan dhir jarista ay ku howlanyihiin dad soo dagay magaalada oo aanan ahayn kuwii udhashay magaalada.
Dhirta ayaa faaido weyn uleh deegaanka.
Mashruuca lagu jarayo dhirta ayaa ahaa mashruuc caalami ah oo gadaal ay ka riixayaan dowlado shisheeye.