HomeAll newsGawaari dagaal oo Burundi looga gubay Shabeellaha Dhexe.

Gawaari dagaal oo Burundi looga gubay Shabeellaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay labo gaari oo ay leeyihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Qaraxyadan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa iney gebi ahaanba burburiyeen labada gaari, iyadoo ay khasaare soo gaartay askartii saarneyd.

Ciidamada Burundi oo kolonyo ahaa ayaa hakiyay socodkooda, waxaana dad goobjoogayaal ah soo sheegeen iney rumeysanyihiin inuu jiro khasaare dhimasho io dhaawac ah oo gaaray askarta Burundi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular