Silsilado qaraxyo ah oo qeybo kamid ah gobollada Jubbooyinka lagula eegtay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray askartaas.
Qaraxyadan oo ahaa kuwa aad u culus ayaa waxaa lala eegtay gawaari dagaal oo ay saarnaayeen askarta maamulka Jubbaland, waxaana faafaahin laga helayaa khasaaraha ka dhashey.
Ugu yaraan 7 askari oo katirsna kuwa maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay qaraxyadan, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 17 kale oo uu ku jiro sarkaal ciidan oo magaciisa lagu sheegay Macallin Nuur.
Ciidamadan ayaa xilliga la qarxinayay waxay marayeen meel u dhow deegaanka Baar Sanguuni, halkaas oo ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.