Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Xarardheere ee gobalka Mudug lagu soo gaba gabeeyay dowro iyo kulamo isla socday oo wilaayada islaamiga ah ee Mudug la yeelatay odayaal dhaqan oo ka socday qabaa’ilada Ceyr Saleymaan iyo Saruur oo katirsan beesha Habar gidir.
ilaa 150 oday dhaqameed oo isaga yimid deegaanno iyo degmooyin katirsan Mudug ayaa ka faa’ideystay dowrada oo socotay 11 cisho.
Duruusta mudadaasi la qaatay waxaa kamid ahaa casharo ku saabsan towxiidka,Tafsiirka, siirada iyo muxaadaarad diini.
Difaacid diinta allaah iyo in la is garab taago mujaahidiinta ayay odayaasha ka balan qaadeen madasha lagu soo xiray dowrada.
Halkan ka dhageyso Codadka Odayaasha
Qabaa’ilada Soomaaliyeed ayaa naf iyo maal ku bixinaya dagaalada ka holcaya Soomaaliya ee xarakada alshabaab kaga hortagayso dowladdo iyo shirkado shisheeye oo duulaan milatari iyo mid dhaqaalle kusoo qaaday dalka.