HomeAll newsAl-Shabaab Oo ka tacsiyeeyey dilkii Sheekh Qaasim Ar-riimi.

Al-Shabaab Oo ka tacsiyeeyey dilkii Sheekh Qaasim Ar-riimi.

Bayaan ku qoran luuqadda Carabiga oo kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa loogu tacsiyeeyey dilkii dhawaan dowladda Maraykanka wadanka Yemen ugu geystay hogaamiyihii Al-Qaacidada Jaziiratul Carab Sheekh Qaasim Ar-Riimi.

“Anagu –haddii aan nahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab- waxaan halkan tahniyad iyo tacsiyo uga gudbineynaa nafteena, Umaddeena iyo wiilasheeda Mujaahidiinta ah oo uu ugu horeeyo Sheekha Xakiimka ah, Ad-Diktoor Ayman Ad-Dawaahiri –Xafidahullaah- iyo hogaanka iyo askarta tandiimka qaacidatul Jihaad ee Jaziirada Carabta, waxaanu leenahay indhuhu wey ilimeynayaan  qalbiguna wuu murugoonayaa balse ma oraneyno wax aan ka ahayn “inaa lillaahi wa inaa ilheyhi raajicuun”.ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab hambalyo iyo bogaadin u dirtay hogaamiyaha cusub ee bedeley Sheekh Qaasim kaas oo lagu magacaabo Sheekh Khaalid Baadharfi.

“degdegsiimada ay walaalaheena Mujaahidiinta ee Jaziiradda Carabta kusoo doorteen Amiir cusub oo badalaya amiirkii shahiiday waxay ka mid tahay waxyaabaha muujinaya dhameystirnaanta fighiga iyo himmada sare ee ay xambaarsan yihiin, waxaana ugu hambalyeyneynaa doorashada ay doorteen Sheekh Khaalid Baadarfi –Xafidahullaah- Allaahna waxaan weydiisaneynaa inuu u furo dhulka, kuna ilhaamiyo hanuun iyo toosnaan, ku xoojiyo ciidankiisa, kuna manneysto guul iyo tamkiin oo ay ku  il qabowsadaan isaga iyo guud ahaan Muslimiinta” ayaa lagu yiri bayaanka

Halkan ka Akhriso bayaanka oo ku qoran Luuqadda Carabiga.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular