HomeAll news31 Askari Oo katirsan DF oo lagu dilay Weerar ka dhacay Lafoole.

31 Askari Oo katirsan DF oo lagu dilay Weerar ka dhacay Lafoole.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah oo culus u dhigay askar katirsan kuwa dowladda federaalka, kuwaas oo kasoo baxay Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka Ceel Saliini.

Kamiinka oo ahaa mid aad u culus iskuna bedelay dagaal toos ah ayaa waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku adeegsadeen qaraxyo culus oo lala helay gawaarida dagaalka ee dowladda federaalka.

Ugu yaraan 31 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay geeridooda, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo uu kamid yahay taliyihii guutada lixaad ee ciidamada dowladda federaalka.

Ugu yaraan labo gaari oo Cabdi bilayaal ah ayaa la xaqiijiyay iney ku gubteen weerarka ka dhacay Lafoole, waxaana askartan ay kusii jeedeen oo ay gurmad u ahaayeen ciidamadii dowladda ee maanta lagu xasuuqey deegaanka Ceel Saliini.

Tani waxay dhimashada guud ee ciidamada dowladda federaalka maanta oo keliya laga dilay ka dhigeysaa 72 askari, waana dharbaaxsho kulul oo gaartay ciidamada dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Maalin walba rabow yaa maqla murtad xasuuqiisa
    Maraykaan rabow yaa dilyo maafiyada qooq day
    Mocooyaha rabow yaa jariyo muruqa uu buuri
    Muslim iyo kufraa lay sudili meel kastoy tahaye
    Mooryaanta iyo gaaladiyo magac jihaad diidan
    Rabow yaan midqura abid kabixin murama shaydaanle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular