HomeAll newsTaliyihii Ciidamada Taiwan oo ku dhintay Burbur Diyaaradeed.

Taliyihii Ciidamada Taiwan oo ku dhintay Burbur Diyaaradeed.

Wararka ka imaanaya Taiwan ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo ka dhacay wadankaas ay ku dhinteen masuuliyiin sar sare oo katirsan maamulka Taiwan oo uu kamid tahay taliyaha guud ee ciidamada.

General Shen Yi-ming iyo 7 ruux oo kale, kana mid ah masuuliyiinta Taiwan ayaa la xaqiijiyay geeridooda, kadib markii ay burburtay diyaarad hellecopter ah oo ay saarnaayeen, taas oo ku wajahneyd ciidamo ku sugan deegaanka Yilan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Taiwan ayaa shaaca ka qaaday geerida taliyihii guud ee ciidamada iyo saraakiil kale, waxaana wadanka looga dhawaaqay baroor diiq.

Taliyaha geeriyooday iyo saraakiisah ciidan ee la socday ayaa ku jiray booqasho mudadiiba mar ay ugu tagaan ciidamada, waxaana la ogeyn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay burburka diyaaradda.

“Shan ruux ayaa kasoo badbaaday, sideed kamid ah saaxiibadeenana way ku dhinteen, aad ayaana uga xunnahay waxa dhacay” ayuu yiri sarkaal katirsan ciidamada cirka ee Taiwan.

Taiwan waa wadan katirsan Jamhuuriyadda Shiinaha, waxaana marar badan shacabka halkaas ku nool ay dalbadeen iney ka go’aan Shiinaha, balse kuma guuleysan, waxaana wadanka uu leeyahay xukuumad Federaal ah oo u madax banaan arimaha Taiwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular