Diyaaradaha dowladda Kenya ayaa geystay duqeyn wuxuushnimo ah oo ay la beegsadeen goob ay ka socotay xaflar Aroos oo katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha Kenya ay habeen hore duqeyn ka geysteen deegaan 45KM qiyaastii ka fog deegaanka Diif ee dhaca xuduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya.
Diyaaradaha ayaa gantaal kusoo tuuray goobta ay xafladdu ka dheceysay oo ku taalla deeggaanka Dayac Garoon, waxaana goobta ku dhintay dad kamid ahaa kasoo qeybgalayaashii xafladda Arooska,
Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka Diif ee maamulka Jubbaland Axmed Salaad, waxaa duqeynta ku dhintay ugu yaraan 3 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Marka laga soo tago dadka dhintay waxaa jira xoolo u badnaa Ari, Lo’ iyo Dameero oo ku dhintay duqeynta, kuwaas oo ay lahaayeen dadka deegaanka.
Waraysi uu gudoomiyuhu siiyay warbaahinta magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in deegaanka aaney joogin dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaas darteedna aaney dowladda Kenya heleynin wax mar marsiyo ah.