HomeAll newsIiraan oo bixisay Jawaabtii ugu horeysay oo Aargudasho ah!

Iiraan oo bixisay Jawaabtii ugu horeysay oo Aargudasho ah!

Dowladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo gantaallo rida dheer loo adeegsaday ku garaacday labo saldhig oo ay dalka Ciraaq kaga suganyihiin ciidamada Maraykanka ee qeybta ka ah Shisheeyaha ku duulay wadankaas.

Telefeshinka rasmiga ah ee Iiraan ayaa shaaciyay in 12 gantaal oo ah kuwa dhulka laga tuuro ay ku garaaceen saldhigyada Caynul Asad ee gobolka Al-Anbaar iyo mid kale oo ku yaala magaalada Arbiil, oo dhamaantooda ay deganyihiin ciidamada Maraykanka.

Telefeshinka Iiraan wuxuu intaa ku daray in ugu yaraan 80 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen duqeymahan, oo loogu magacdaray jeneraalkii shiiciga ahaa ee dhawaan Maraykanku ku diley magaalada Baqdaad, laguna magacaabo Qaasim Suleymaani.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada ee ay dowladda Iiraan sheegtay, waxaa intaa dheer diyaarado iyo qalab ciidan oo ku gubtay duqeymaha loo geystay labada saldhig, sida uu sheegayo telefeshinka dowladda Iiraan.

Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in labo saldhig oo ay ciidamadeeda ka joogaan Ciraaq ay la kulmeen duqeyn xoogan, waxaana Pentagonka uu sheegay iney qiimeynayaan khasaaraha rasmiga ah.

Aqalka Cad, dhankiisa wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uu ka war hayo waxa dhacay, uuna hadda wadahadallo la sameynayo wasiiradiisa gaashandhiga, arimaha dibadda, taliyaha guud ee ciidamada iyo xubno muhiim ah oo katirsan dowladda Maraykanka.

Qoraal kooban oo uu Trump soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in xaaladadu ay degantahay, islamarkaana aaney jirin wax dhib ah, taas oo loo micneeyey mid uu ku dejinayo shacabka Maraykanka ee qal qalsan.

Dowladda Iiraan waxay ku hanjabtay in haddii Maraykanku jawaab ka bixiyo duqeymaha saaka lagu garaacay saldhigyadiisa Ciraaq ay iyaguna duqeyn doonaan magaalooyinka Dubai iyo Xeyfaa oo ah magaalo katirsan dhulka Filastiin, Yahuduuna xoog ku heystaan.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular