HomeAll newsDagaallo Saf ballaaran ah oo lagu qaaday Shisheeyaha ku sugan Shabeellaha Hoose.

Dagaallo Saf ballaaran ah oo lagu qaaday Shisheeyaha ku sugan Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose waxay xalay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyada ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin qeybo kamid ah deegaannada Shabeellaha Hoose.

Goobaha lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha waxaa kamid ah Calamada, Nambar 60 iyo Buufow oo kamid ah saldhigyada ugu weyn ee ay Shisheeyaha Uganda ka joogaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarada oo dhacay waqti isku mid ah, gaar ahaan saacaddu marka ay ku beegneyd lix saac oo habeennimo ayaa waxaa lagu qaaday ciidamada Shisheeyaha xilli ay ku uga jireen dabaal dega ciida Kirismiksa ee ay gaaladu qabsadaan sanad kasta dhamaadkiisa.

Lama helin khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Shisheeyaha ku gaaray dagaalladii xalay, balse waxay ahaayeen kuwa aad u culus, waxaana lagu garaacay hubka garbaha laga tuuro ee madaafiicda ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular