Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu ka dhacay koontoolka koowaad ee laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo xaumo farabadan oo ku yaalla halkaas oo ay ka mid yihiin xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda Amniga.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu watay naftii hure kaitrsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lala beegsaday koontoroolka oo xilligaas ahaa mid aad u mashquul badan ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo ciidamo intaba.
Koontoroolka la weeraray oo xiga dhanka isgoyska Sayidka ayaa xiiliga qaraxu ka dhacayay waxaa ku sugnaa kolonyo gaadiid ah oo wateen masuuliyiin ka tirsan DF kuwaas oo halkaas lagu baarayay si ay ugu gudbaan dhanka Madaxtooyada iyo dhismaha Baarlamaanka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, waxaana Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab uu sheegay in weerarka ay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba ugu gaarsiiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinka DF iyo ciidamada intaba.