HomeAll newsAl-Kataa'ib oo baahisay Sawirrada Ciidamadooda oo ka dagaallamaya Saldhiga Maraykanka ee Laamu.

Al-Kataa’ib oo baahisay Sawirrada Ciidamadooda oo ka dagaallamaya Saldhiga Maraykanka ee Laamu.

Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow baahiyay bayaan looga hadlayo weerarka culus ee ka soconaya saldhiga ciidamada Maraykanka ee gobolka Laamu wadanka Kenya.

Waxaa bayaanka lagu xaqiijiyay in weerarka ay ciidamada Mujaahidiinta ku gubeen ugu yaraan 7 diyaaradood, iyo 3 gaari oo noocyada gaashaman ah, welina uu weerarku soconayo.

Marka laga soo tago khasaaraha hantiyadeed, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Maraykanka, balse weli lama helin tirada rasmiga ah.

Bayaanka waxaa ku lifaaqan sawirra ay Al-Kataa’ib kasoo qaaday ciidamadooda oo si geesinimo leh kaga dhex dagaallamaya saldhiga Manda Bay ee LAAMU, iyagoo gubaya halka ay caga dhigtaan diyaaradaha, sidoo kalena raayada Towxiidka sita.

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Maraykan wixii kudhacay
    Dunidu wada maqashayoo
    Dhamaan miudiyuhu tabiye
    Muslim iyo gaaladii
    Duba maqashii kan kale
    Sidii maydhanaan lashubay
    Shabaab waa ay magawsadeen
    Nin kaan mukhlis daacadayn
    Dhab waw murugoonayaan
    Murji, adii caalam koo
    Mariiqoodaa dhacoo
    Mudkiyo wadnahaa bukoo
    Mareegaha kaad akhrido
    Waxaan muslim khaalisayn
    Madluun weeyaan kurtood
    Majaafadu maalfashaday
    Anagu waan ku maadsanaa
    Mahad Eebiyo xamdiyo
    Bishaaraa muuqatoo
    Maraykaan waa u jabay
    Kiinyana waa sii martoo
    Dagaal ayan mahadiniyo
    Mushkulad halisuu kufuray
    Markuu yiri naalin aad
    Liibaax miciyaha listoo
    Wuxuu marsha gaadayoo
    Carada la maryaadayoo
    Mawdkiyo dhimashada kajecel
    Macaanka aduunka yaal
    Nin kaan mawli kaashanayn
    Miliyo diin aan lahayn
    Inuu ina maago waa
    Maan gaab dhaqan lagu yaqaan
    Midii bali doogle iyo
    Shabaab midu falay hadeer
    Maamuus bilad sharaf ahaan
    Umarin miuditaha adeer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular