Matkabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahiyay war saxaafadeed muhiiim ah oo lagu faafaahiyay weerarkii cuslaa ee saaka ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ciidamada badda ee Maraykanka ay ku leeyihiin gobolka Laamu.
Furfurasho iyo Bisinka kadib waxaa bayaanka lagu bilaabay sidatan:-
“Kadib dagaal xoogan oo qaatay in kabadan 10 saacadood ah oo ay Mujaahidiintu si geesinimo ku dheehan tahay ula galeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga dhufeysyada adag lagu xeyndaabay Manda Bay ee dalka Kenya, wuxuu Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ogaaday in ciidamada Mareykanka ee dagan saldhigaas dhabarka loo saariyey khasaare lixaadleh lagana dilay in ka badan 17 askari, iyadoo sidoo kalena weerarkaas lagu dilay 9 askari oo Kenyaati ah.
Allaah fadligii, Mujaahidiintu waxay sidoo kale burburiyeen 7 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo shan gaari oo kuwa ciidanka ah, iyagoona qeyb weyn oo ka mid ah saldhigga burburiyey islamarkaana dab qabadsiiyey, Mahad oo idilna waxay u sugnaatay Allaah oo kaliya kaas oo adoomadiisa u suurageliyey inay afka ciidda u daraan cadowgiisa.
Jawaabta isku dhexyaacsan ee taliska Mareykanku ka bixiyey weerarka iyo isku dayadooda joogtada ah ee ay ku doonayaan inay ku inkiraan ahmiyada saldhigga ciidamada badda ee Mareykanku ku leeyihiin gacanka Manda Bay, iyagoo qarinaya muhiimadda uu leeyahay saldhigaas duugto oo kaalin istaraatiiji ah ka qaadanaya dagaalka dulmiga ah ee ay ku heyso Islaamka waa arin banaanka timid oo ay cid weliba u cadaatay, waxaadna ogaataan in daboolida wax aanu cidna daah ka saarneyn iyo inaad madaxa ciidda ka ilaalsataan aaney ku bad-baadi doonin ciidankiina.
Mujaahidiintu waxay marwaliba si adag ayey isaga suggaan xaqiiqooyinka ay soo gudbinayaan waxayna ku xoojiyaan cadeymo adag, sidaas darteed taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM waxaa dusha ka saaran culeeska ah inuu keeno cadeymo burinaya xogta ay Mujaahidiintu baahiyeen.
Dagaalka xoogan ee tan iyo saaka socday iyo sida ciidamada Mareykanku ugu guuldareysteen inay ka hortagaan weerar ay soo qaadeen koox yar oo kamid ah halyeeyada Muslimiinta ee sugan, wuxuu cadeyn u yahay awoodda xaqqu iyo iimaanku u leeyahay inuu jabiyo baadhilka kufriga. Markii ay Mujaahidiintu mudnaanta ugu horeysa ka dhigteen in Mareykanka lagu weeraro saldhigyada adag ee uu dhufesyada ku xeyndaabay, waxay saliibiyiinta fuleyada ah dhaqan ka dhigteen inay duqeymo wuxuushnimo oo aan kala sooc lahayn ku beegsadaan Muslimiinta aanan hubeysneyn, duqeeyaan tuulooyinka, sidoo kalena dumarka iyo caruurta ku laayeen suuqyada iyo goobaha caafimaadka.
Mujaahidiintu Allaah idankii wey sii wadi doonaan beegsiga soo duulayaasha Mareykanka ilaa inta laga laga saarayo dhamaan dhulalka Islaamka iyo illaa iyo inta ay ka joojinayaan taageerada indha la’aanta ah ee ay siinayaan maamulka Yahuudda ee dulmiga ku haya ehelkeena Filistiin, Allaah ayaa mowlaheena ah, isaga ayaana gargaaraheena ah”. ayaa lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.