HomeAll newsWeeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay fuliyeen weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Ciidamada wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa xalay weeraray difaacyada ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa u suuragashey ciidamada Mujaahidiinta iney gaaraan difaacyada Kenyaatiga iyo kuwa Jubbaland, halkaasna ay ka dagaallamaan in muda ah.

Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee dhaca duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in ciidama aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ay gudaha u galeen deegaanka, si adagna u fara saareen ciidamada dowladda federaalka ee saldhiga ku leh halkaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey labadan weerar ee ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, beegsadeyna ciidamada Kenyaatiga, kuwa dowladda federaalka iyo askarta maamulka Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular