HomeAll newsWeerar Khasaare dhaliyay oo lagu qaaday Guriga Baadari Yahuudi ah oo ku...

Weerar Khasaare dhaliyay oo lagu qaaday Guriga Baadari Yahuudi ah oo ku yaala Newyork.

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in qof hubeysan uu weerar ka geystay guriga baadari Yahuudi ah oo ku yaala deegaan hoostaga magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, islamarkaana u dhow macbad ay si gaar ah ugu cibaadeystaan Yahuudda.

Nin ku hubeysan mindi ayaa guriga si xoog ah ku galay, wuxuuna toorreeyey dadkii goobta joogay ee Yahuudda ahaa, isagoona gaarsiiyay waxyeello kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka mindida ku hubeysan uu si adag toorreyda ula dhacay dadkii guriga ku sugnaa, isagoona durba goobta ku dhaawacay ugu yaraan 5 ruux oo Yahuud ah.

Gole u hadla Yahuudda Maraykanka ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Twitterka ku xaqiijiyay in dhaawacyada qaar ay xaaladooda aad u liidato, islamarkaana la dhigay isbitaallada caafimaadka.

Weerarka ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Moncy ee degmada Rockland oo 48 KM wuqoooyi kaga beegan magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee magaalada Newyork oo ah haweeney ayaa iyadana qoraal ay soo dhigtay baraha Internetka waxay si kulul u cambaareysay weerarka lagu qaaday guriga baadariga Yahuudiga ah, waxayna ku hanjabtay iney qaadi doonaan tallaabo.

Weerarkan lagu qaaday guriga baaderiga Yahuudiga ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan weerar lagu qaaday bar ay Yahuudu ka cunteeyaan oo ku yaala magaalada Newjersy lagu dilay 4 Yahuudi ah, halka sidoo kale la dilay labo ruux oo weerarka fulisay.

Maraykanka waxaa kusii kordhaya weerarada sida gaar ah u beegsanaya Yahuudda iyo dadka kirishtaanka ah, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo tirakoob soo baxay lagu sheegay in sanadka 2019 ay aad u kordheen weerarada keligii duulnimada ah ee ka dhacay wadankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular