HomeAll newsWeerar Burcad Sifeyn ah oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Weerar Burcad Sifeyn ah oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan qorsheysan ku qaaday goob isbaaro ah oo u tiilay askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Isbaarada la weeraray waxay ku taallaa deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay qaar kamid ah askartii joogtay.

Warar la helayo waxay xaqiijinayaan dhimashada 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo ay haleeshey rasaasta ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxa sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ay soo furteen hubkii ay ku dagaallamayeen saddexda askari ee la dilay.

Dhowrjeer oo hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen isbaarada Qalimow, waxaana halkaas ay ciidamada dowladda federaalka ku dhibaateeyaan gawaarida safarka iyo dadka saaran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular