Maalmihii lasoo dhaafay wadanka Aljeeriya waxaa ka soconayay doorashooyin madaxtnimo oo ay soo abaabuleen maamulkii bedeley Butafaliqa, doorashooyinkaas oo ay si adag uga hor yimaadeen dadka shacabka ah.
Dadka ka qeybgalay doorashooyinka ayaa la sheegay iney aad u yaraayeen, islamarkaana aaney gaareyn 40% tirada guud ee shacabka Aljeeriya, waxaana dadka ay doorashooyinka u arkayeen kuwa masrixiyad ah oo aan waxba ka jirin.
Sida ay shaaciyeen gudiga doorashooyinka, waxaa doorashada madaxtinimada ku guuleystay nin lagu magacaabo Cabdil Majiid Tabuun, kaas oo kamid ahaa saaxiibada ugu dhow ee Butafaliqa, madaxweynihii xilka xooga looga tuuray.
Tabuun ayaa la sheeegay inuu helay 58% codadka guud ee dadka codeeyey, waxaana uu sidaas ku noqday madaxweynaha wadanka Aljeeriya, sida lagu sheegay war kasoo baxay gudiga Doorashooyinka.
Shacabka Aljeeriya ayaa kusoo dhaweeyey madaxweynaha cusub banaanbaxyo waaweyn oo ruxay inta badan wadanka Aljeeriya, iyagoo sheegay iney kasoo horjeedaan ninkan la sheegay in la doortay.
Caasimadda Aljazaa’ir iyo magaalooyin kale ayay dadku iyagoo kumanaan kun ah isugu soo baxeen maalintii shalay oo Jimco ahayd, waxayna sheegeen inaaney aqbali doonin inuu markale xukumo nin kamid ahaa nidaamkii Butafaliqa.
Ninka la doortay ee la sheegay inuu yahay madaxweynaha Aljeeriya waaa 74 jir ah, jagooyin kala duwan kasoo qabtay nidaamkii Butafaliqa, waxaana muuqaneysa in shacabka Aljeeriya ay yihiin dad soo jeeda.