Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay toogteen sarkaal sare oo katirsan Sirdoonka maamulka Puntland oo kamid ah maamullada xiriirka dhow la leh dowladda Itoobiya.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Cismaan Axmed Faarax, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafadda New Boosaaso, waxaana markaas kadib goobta isaga tagay raggii dilka fuliyay.
Cismaan Axmed Faarax ayaa kamid ahaa saraakiisha Sirdoonka ee ka howlgala dekadda weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana uu xiriir dhow la lahaa madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan oo caan ka ahaa magaalada Boosaaso.
Sirdoonka Puntland ayaa dhibaato ba’an ku haya dadka ku nool deegaannada uu maamulkaas ka jiro, waxaana ay dadku u yaqaanaan Ashahaado la dirir, maadaama ay si gaar ah u beegsadaan culimada iyo dadka ay sunnadu ka muuqato.