HomeAll newsSarkaal katirsan Shirkadda Saarisan Oo Boosaaso Lagu Weeraray.

Sarkaal katirsan Shirkadda Saarisan Oo Boosaaso Lagu Weeraray.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari wararka ka imaanaya waxay ku waramayaan in magaaladaas uu ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal katirsan shirkadda Saarisan ee gacanta ku heysa qeybo muhiim ah oo kamid ah kheyraadka  dhulka uu ka arrimiyo maamulka Puntaland.

Sarkaalka la beegsaday waxaa lagu magacaabaa Maxa’ed Axmed, waxaana gaaray dhaawac halis ah, kadib markii ay weerareen rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in sarkaalka la beegsaday uu dhaawac halis ah gaaray, islamarkaana loola cararay isbitaallada gaarka ah ee shirkadda Saarisan.

Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday saldhiga Police-ka dhanka wuqooyi ee uu ka taliyo maamulka Puntland.

Bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo labo gaaraya ayaa lagu tuuray saldhiga, sida ay soo wariyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Lama oga khasaaraha ka dhashey weeraradan qaraxyada ahaa, waxaana si guud gobollada uu ka arrimiyo maamulka Puntland joogta ka ah howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular