Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgal gaar ah oo beegsaday sarkaal katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Weerarka dilka ah ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, waxaana sarkaalka la dilay lagu magacaabaa Baashi.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan lagu dilay sarkalakan oo kamid ahaa kuwa daacadda u ah ciidamada Kenyaatiga ee duulaanka ku heysta qeyba kamid ah gobolkaas.