
Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar qarax ah oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen askar Kenyaati.
Qaraxa waxa uu haleeley gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiil Kenyaati ah oo katirsan Police-ka, waxaana ay ka yimaadeen deegaanka Qorof Harar, iyagoo kusii jeeday Katuula oo katirsan gobolka Wajeer.
Ugu yaraan 2 sarkaal oo Kenyaati ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo katirsan ciidamada Booliiska Kenya.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan dhaliyay khasaaraha ee lala eegtay ciidamada Police-ka Kenya.
NFD waa dhul Soomaaliyeed oo ay xoog ku heysato dowladda Kenya, waxaana hadda ka howlgala ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo ku jira dagaal lagu doonayo in lagu xureeyo dhulkaas.