
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dhayib Ordogan ayaa hanjabaad culus u jeediyay dowladda Maraykanka oo ay bah wadaag ka yihiin dagaallada ka socoda qaar kamid ah caalamka Islaamka sida Afqaanistaan iyo Soomaaliya.
Ordogan ayaa isagoo waraysi siinaya mid kamid ah telefeshinnada maxalliga ah ee Turkiga, wuxuu sheegay in dowladiisu ay awood u leedahay iney gebi ahaanba xirto saldhiga Anjarliik oo ah saldhig weyn oo ay deganyihiin ciidamada Maraykanka.
Ordogan oo ka careysnaa qaraar ay meel mariyeen aqalka Odayaasha Maraykanka oo lagu cambeerayay waxa loo yaqaano gumaadkii Arman ayaa sheegay in haddii Maraykanku uu cunaqabateyn kusoo rogo Turkiga ay iyaguna xiri doonaan saldhiga Maraykanka ee Turkiga.
“Haddii ay noogu goodiyaan cunaqabateyn anaguna waan ka jawaabi doonnaa” ayuu yiri Ordogan madaxweynaha wadanka Turkiga.
Anjarliik waa saldhig milliteri oo ku yaala wadanka Turkiga, waxaana ku sugan ciidamo Maraykan ah, iyadoona garoonkaas ay ka duulaan diyaaradaha duqeymaha ka geysta wadamada Ciraaq iyo Suuriya.