Dowladda Maraykanka oo kumanaan kun oo askari ay ka joogaan dalka muslimka ah ee Afqaansitaan, hakaasna kaga jirto dagaal adag oo dhulka la galay heybadda dowladaas ayaa hadda qorsheyneyso iney soo afjarto duulaankaas.
Saraakiil katirsan wasaaradda dagaalka ee Maraykanka oo la hadlay shabakadda NBC NEWS ayaa xaqiijiyay iney wadaan in bilaha soo socda ay dalka Afqaanistaan kasoo saaraan kumanaan askari.
Saraakiishan oo diiday in magacyadooda warbaahinta loo adeegsado ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada horudhac ah uu Maraykanku Afqaanistaan kaga soo saari doono ugu yaraan 4000 oo askari, kuwaas oo qeyb ka ah kumanaanka kun ee dalkaas duulaanka ku joogo.
Arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan booqasho qarsoodi ah oo uu dalka Afqaanistaan ku tagay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu kala bixi doono Afqaanistaan.
Trump oo la hadlayay saraakiisha ciidamadiisa ee Afqaanistaan iyo madaxweynaha xukuumadda Kaabul ayaa muujiyay muhiimadda ay u leedahay inuu soo afjaro dagaalka 18 sano jirsaday ee uu Maraykanku kaga jiro Afqaanistaan.
Waxay sidoo kale tallaabadan kusoo aadeysaa, iyadoo dhawaan Dhaalibaan ay weerar ku qaaday saldhiga Bagram oo ah taliska ugu weyn ee uu Maraykanku ku leeyahay Afqaanistaan ay ku dishey askar badan oo Maraykan ah, halka dowladda Maraykanka ay qirtay 5 askari oo keliya.