
Wararka ka imaanaya dalka New Zealand ee qaaradda Yurub ayaa ku waramaya in gobollo kamid ah wadankaas ay ku dhufatay foolkaanooyin ba’an oo dhaliyay waxyeello kala duwan.
Foolkaannada ugu ballaaran waxay ka dhacday gobolka Whakaari, waxaana agaasimaha difaaca madaniga ee New Zealand uu shaaca ka qaaday in ugu yaraan 13 ruux ay ku dhinteen foolkaanooyinkan weli soconaya.
Ciidamada Police-ka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgallo lagu soo badbaadinayo dadka ku nool deegaannada ay fookaanooyinka ku dhufteen, balse waxaa weli jirta cabsi ah iney jiraan dad dhintey oo ay foolkaanooyinku saameeyeen.
Foolkaannadan ku dhuftay New Zealand ayaa loogu magacdaray White Island, waxaana mudooyinkii u dambeeyey uu ka jiray dalal kamid ah Yurub.
New Zealand waaa wadan qeyb ka ah isbaheysiga Naato ee dhibaatada ku haya Muslimiinta caalamka, waxaana sidoo kale la xusuustaa in dalkan lagu xasuuqey dad muslimiin ah oo ku tukunayay masjid maalin jimco ah, kaas oo ku yaala magaalada Chrischurch, halkaasna waxaa lagu dilay inkabadan 50 ruux oo muslimiin ah.