Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa howlgallo milliteri oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka dheceen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose iyo duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xalay, ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday kontoroolka Siinka dheer oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Sirdoonka dowladda federaalka.
Dagaalka waxa uu ahaa mid kulul oo in muda ah rasaasta la is weydaarsanayay, waxaana markii dambe ay ciidamada Mujaahidiintu ku laabteen halkii ay ka duulaan tageen.
Weerar kaas lamid ah, ayaa lagu qaaday difaac ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Calamada ee duleedka Ceelasha biyaha.
Dagaalka kadib, ciidamada Shisheeyaha ayaa madaafiic waaweyn waxay ku garaacen deegaanna ka baxsan halka lagu dagaallamay, taas oo ka dhigan in caradooda ay kala dul dhacayeen shacabka.
Ugu dambeyntii, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray askar katirsan ciidamada Bankrafta ee la shaqeeya Maraykanka, fadhigooduna yahay saldhiga Bellidoogle.
Ciidamada Bankrafta ayaa la kulmay weerar xilli ay kusii jeedeen Ballidoogle, waxaana ciidamada Mujaahidiintu ka furteen mid kamid ah mootooyinkii ay wateen Bankrafta.
Soomaaliya, waxaa ka soconaya dagaallo halgan ah oo lagula jiro Shisheeyaha kusoo duulay wadanka iyo qolyaha ku garab taagan oo ay ugu tun weyntahay dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxa’ed Farmaajo.