HomeAll newsFaafaahinno Muhiim ah oo laga helayo dagaalkii Goof Guduud buurey.

Faafaahinno Muhiim ah oo laga helayo dagaalkii Goof Guduud buurey.

Waxaa warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan kusoo dhacaya warar dheeraad ah oo ku aadan dagaalkii aroornimadii hore ee saaka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen deegaanka Goof Guduud buurey oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo.

Khasaare ba’an oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada maamulka Koonfur galbeed, waxaana dhimashada inta hadda la xaqiijiyay ay gaareysaa 11 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii xerada la weeraray oo lagu magacaabo Macallin Dhaayow.

Dhaawacyada gaaray ciidamada maamulka Koonfur galbeed waa labaatameeyo askari, waxaana 7 kamid dhaawacyadooda ay yihiin kuwa halis ah, oo laga yaabo in saacadaha soo socda ay geeriyoodaan.

Dhanka hubka, waxaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay furteen 8 qori oo AK47 ah iyo mid BKM ah.

Ciidamo kasoo gurmaday dhanka magaalada Baydhabo ayaa iyagana waxaa lagu weeraray labo qarax oo culus, kuwaas oo mid kamid ah uu basbeeliyay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidama katirsan Koonfur galbeed.

Waxaa jira khasaare ka dhashey qaraxyadan, balse ma aynaan helin xog rasmi ah.

Goof Guduud Buurey waa deegaan muhiim ah oo qiyaastii 30 Km ka fog magaalada Baydhabo, waxaana deegaankan uu marar badan marti geliyay weeraro qorsheysan oo ka yimid dhanka ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Soomaalida ee difaaca u ah Xabashida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Kalawsiga kuwada gaaladay daba Kash leeyeene
    Kurkoo laga jaray mudan yihiin kulul rasaas tiiye
    Keenada kuwaa qaayibiyo gaal u kaba qaadki
    Karaamiyo wanaag may lahayn kaydki shaydaane
    Kadab koida Jara xabashiday kaba u qaadeene

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular