HomeAll newsFaafaahin laga helayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Xaaji Cali.

Faafaahin laga helayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Xaaji Cali.

Maalintii shalay oo Jimco ahayd, ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka ayaa isku dayay iney dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyaan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah gobollada Soomaaliyeed oo qeybo badan oo kamid ah Shisheeyaha xoog ku joogaan.

Ciidamada Dowladda federaalka oo watay gaadiidka dagaalka ayaa kasoo tagay deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana markii ay banaanka uga soo baxeen deegaanka ku billowday weeraro.

Ugu horeyn waxaa lala eegtay qarax culus, kaas oo waxyeelo gaarsiiyay gaari Cabdi bile ah, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar katirsan dowladda oo ay saraakiil ku jireen.

Qaraxaas kadib, waxaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab soo qaadeen dagaallo toos ah oo beegsanayay ciidamada dowladda federaalka.

Dagaallada oo in muda ah socday waxaa si adag loogu jebiyay askarta Dowladda federaalka, iyadoona lagu qasbay iney carar ku galaan halkii ay kasoo baxeen oo ahayd deegaanka Xaaji Cali.

Waxaa fagaaraha dagaalka looga reebtay labo gaari oo kala ah Taw iyo hartoob, iyadoona sidoo kale laga dilay ugu yaraan 9 askari oo kamid ahaa ciidamadii dhaq-dhaqaaqa waday.

Goobihii lagu dagaallamay waxaa u haray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(xanax)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular