HomeAll newsDucuments: Madaxda Maraykanka waxay Shacabkooda ka qariyeen xaqiiqda dagaalka Afqaanistaan.

Ducuments: Madaxda Maraykanka waxay Shacabkooda ka qariyeen xaqiiqda dagaalka Afqaanistaan.

Wargeyska Washington Post ayaa baahiyay waraaqo ducumentry dowladeed oo sir ah, kuwaas oo sanadihii lasoo dhaafay madaxda Maraykanka iyo saraakiisha ciidamada ay ka qarinayeen shacabka Maraykanka.

Sida u cad dukumuntiyada sirta ah ee uu baahiyay wargeysku, madaxda Maraykanka waxay si ula kac ah shacabkooda uga qariyeen habsami socodka dagaalka ay ku qaadeen Afqaanistaan, taas bedelkeedana waxay shacabka iyo Aqalka Congreska la wadaageen macluumaad waxba kama jiraan ah.

Madaxda Maraykanka, gaar ahaan Bush iyo Obama waxay suurad khaldan oo ka fog xaqiiqda fagaarayaasha dagaalka ee Afqaanistaan u gudbiyeen shacabkooda, mar welibana waxaa warbaahinta iyo ra’yu caamka guud ay la wadaagayeen in Dhaaliban ay gacan ku ganbad tahay, ciidamada Maraykankuna ay soo hooynayaan guulo wax ku ool ah.

Washington Post waxay baahisay kumanaan waraaqo ducementry ah oo muujinaya saraakiil Maraykan ah oo joogay Afqaanistaan, kuwaas oo madaxdooda u sheegaya iney ku jah wareersanyihiin dagaalka Afqaanistaan, codsanayana in wax laga bedelo istiraatiijiyadda dagaalka.

Sida ku cad Dukumentiyada la baahiyay oo boqollaal page ka kooban, madaxweynaashii Maraykanka ee Bush, Obama iyo Trump-ka hadda talada hayay, dhamaantoodba kama dhabeyn ballanqaayadyadii ku aadanaa dagaalka ee Afqaanistaan ee ay shacabkooda siiyeen.

Dabcani ballanqaadyadaas waxaa ugu weynaa iney soo afjarayaan dagaalka ay ka wadaan Afqanistaan, ciidamadoodana ay kasoo saarayaan, balse ma ahan ballan laga dhabeeyey, ciidamada Maraykankana waxay si joogta ah ugu dhimanayaan howlgallada milliteri ee kaga imaanaya Dhaalibaan.

Douglas Lute oo ah jeneraal Ameericaan ah, buushna uu u xil saaray dagaalladii Afqaanistaan iyo Ciraaq ayaa qoraal uu diray sanadkii 2015-ka wuxuu ku leeyahay “waynu ka fogeyn inaan fahanno xaqiiqda waxa ka socday Afqaanistaan, sidoo kale waxba  kala socon tallaabooyinka ay qaadayso Dhaalibaan”.

Saraakiil kale oo Maraykan ah ayaa iyaguna sheegay iney filayeen in dagaalka Afqaanistaan uu si dhaqsi ah kusoo idlaado, balse taas bedelkeeda uu dagaalku noqday mid si daba dheeraada, maalin kastana Dhaalibaan ay soo qaado weeraro gallaafta nolosha ciidama Ameericaan ah.

Sanadkii 2010-ka sarkaal lagu magacaabo Michael Flynn oo ahaa ku xigeenka taliyaha sirdoonka Maraykanka ee Afqaanistaan ayaa si kulul u dhaleecayay dowrka CIA-da ee wadankaas, wuxuuna sheegay in CIA-du ka fogtahay shacabka Afqaanistaan oo aaney la lahayn wax xiriir ah.

Siyaasiyiinta Maraykanka oo hadlay saacado kadib markii la baahiyay dukumentiyadan sirta ah ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladihii soo maray dalkooda ay si ula kac ah shacabkooda uga qariyaan xaqiida dagaalka ugu qaraar ee uu galay Maraykanka, kaas oo ah dagaalka Afqaanistaan.

Waxay Siyaasiyiinta qaar ku doodayaan in sababta ku riixday madaxda Maraykanka iney qariyaan xaqiiqda dagaalka Afqaanistaan ay tahay iyadoo aaney jirin shacab si rasmi ah ula xisaabtamaya dowladda.

Waxay hadda ku baaqayaan in la abaabulo dibadbaxyo ballaaran oo ay shacabka Maraykanka cadaadis ugu saarayaan madaxda hadda talada heysa, banaanbaxyadaas oo lagu dalbanaya in si dhaqsi ah ciidamada Maraykanka looga soo saaro Afqaanistaan.

Arimaha illaa iyo hadda qarsoon, kuna aadan dagaalka Afqaanistaan ayaa waxaa kamid ah khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Maraykanka, waxaana dowladdu ay qiraneysaa in dagaalka 18-ka sano ka socda Afqaanistaan lagu dilay 2400 oo askari oo Maraykan ah, halka lagu khasaaray lacago  aan cadad lahayn oo trillions gaaraya.

Hadda, wuxuu Donald Trump wadaa qorshe uu ku doonayo in ciidamadiisa uu uga soo saaro dalka Afqaanistaan, waxaana dad badan ay sheegayaan in laga yaabo in Trump uu lasoo baxo kuamanaan askari, si ay ugu noqoto olole uu markale kusoo galo doorashada madaxtnimada Maraykanka ee soo socota.

Halkan ka dhagayso Warbixin-Decumentry dagaalka Afqaanistaan-WP

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular